- Waa maxay ganacsi
Waxaa loo isticmaalaa erayga ganacsi si loo qeexo howsha ganacsi ee lagu iibiyo lana iibsado badeecadaha iyo adeegyada, ganacsigu waa mid ka mid ah laamaha shaqada, wuxuuna ganacsigu ka dhici karaa suuqyada waddanka ama xadka ayuu ka tallaabi karaa, qaababka ganacsigu wuxuu noqon karaa dad, shirkado, ama dalal. Ganacsigu waa habka qaybinta badeecadaha la soo saaray, waxaana hoos yimaada erayga ganacsi nidaamyo lagu dabaqo waddanka gudihiisa iyo caalamkaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin: nidaamyada sharciga, siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka, iyo tiknoolajiyadda, ganacsi waxaa lagu tilmaami karaa dhammaan howlaha maaliyadeed ee iibka iyo iibsiga badeecad gaar ah1
Ganacsigu wuxuu si dhow ula xiriiraa ilbaxnimada, wuxuuna soo baxay markay dadku ilbaxnimo yeesheen iyo markay baahiyahoodu bateen oo aysan ku koobnaan cunto, cabitaan, dhar iyo hoy. Ganacsigu waa mid ka mid ah hababka kala duwan ee ay ummaduhu u adeegsadeen si ay ugu daboolaan baahidooda kala duwan, maadaama aysan dowladuhu awoodin inuu ka soo saaro dhammaan baahidooda suuqa gudaha, sidaas darteed waxay u baahan yihiin inay isdhaafsadaan alaabta iyaga iyo waddamada kale. Ganacsigu sidoo kale wuxuu ka dhashaa duruufaha iyo cimilada waddanka taasoo ka dhigaysa mid adag inay soo saaraan wax kasta oo ay u baahan yihiin, waxaana ka mid ah arrimahaas: yaraanta dhuxul dhagaxda, yaraanta alwaaxda, yaraanta agabka ceyriinka ah, iyo cimilada2.
Ganacsigu wuxuu ku tiirsan yahay xoogga shaqaalaha iyo xirfadaha ay yaqaanaan, waxaa suurtagal ah inay jiraan wadamo leh cudud shaqaale oo badan iyo kheyraadkii dhulka sida waddanka shiinaha , sidoo kale waxaa suurtagal ah in waddamada qaar uu ka maqan yahay labadan waxyaabood laakiin ay lee yihiin dekedo si ay alaabta u qaadaan, waddamada qaar ayaa sidoo kale isku dari kara dhammaan waxyaabahan. Xeebaha badda Mediterranean-ka ayaa ahaa xarunta ugu weyn ee ganacsiga adduunka.
- Tiiraraka guud ee gancsiga
Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahy tiirara muhii si uu u noqoto mid guul leh, waxaana ka mid ah3:
1. Diyaar garow: Tallaabadaan waxay ka dhigan tahay sameynta daraasad dhamaystiran oo lagu ogaanayo heerka guusha ganacsiga , iyo ka faa’iidaysiga fursadaha guuleed. Daraasadani waxay ku saleysan tahay kormeer, cilmi baaris, iyo tijaabinta fikradaha la xiriira ganacsigaan , qorsheynta kharashka maaliyadeed ee ku baxay gancsiga,iyo dejinta jidwalka ganacsiga.
2. Fulin: Tallaabadaan waxay ka dhigan tahay hirgelinta daraasadda la diyaariyey ee marxalada diyaargarowga, iyadoo la bilaabayo hawsha ganacsi iyo tixgelin siinta ganacsiga cabbirkiisa ku haboon ee suuqa, saadaalinta khataraha suurtagalka ah iyo awoodda lagu xallin karo, iyo awoodda lagu la qabsan karo suuqa iyo isbeddeladiisa.
3. Dib-u-eegis: Tallaabadaan waxay ka dhigan tahay daraasadda is-weydaarsiga maaliyadeed, ha noqoto is-weydaarsi gaar ah ama guud ahaan suuqa. Tallaabadan waa muhiim si loo qiimeeyo xaaladda, loona saxo fikradaha ku saabsan suuqa iyadoo lagu saleynayo guulaha iyo khaladaadka hore.
4. Dib-u-habayn: Tallaabadaan waxay ku saabsan tahay hirgelinta fikradaha cusub ee ganacsiga ee laga helay dib-u-eegista, iyo ka fogaanshaha khaladaadkii hore si loo hagaajiyo waxqabadka cusub.
- Noocyada ganacsiga4
- Ganacsiga gudaha:
fahamka ganacsiga gudaha waxay tilmaamaysaa howlaha ganacsiga ee lagu beddelanayo alaabada ganacsiga ee suuqa maxaliga ah ee gudaha goob juquraafiyeed oo gaar ah. Ganacsiga gudaha waxaa loo kala qeybiyaa laba nooc, kuwaas oo kala ah:
Ganacsiga Jumlada: Tirada badeecooyinka ganacsigaan waa badan tahay, halkaas oo ganacsadaha jumlada uu ka iibsanayo tiro badan oo badeecado ah warshadaha alaabta sameeya, kadibna uu ka iibiyo ganacsatada tafaariiqda ee iyagu markooda kasii iibinaya macaamiisha. Ganacsadaha jumlada wuxuu noqdaa isku xiraha u dhexeeya soo saareyaasha(warshadaha) iyo ganacsatada tafaariiqda.
Ganacsiga Tafaariiqda: Tirada badeecooyinka ganacsiga ee noocan ah waa xadidan yihiin oo waa tiro ka yar badeecada ganacsiga jumlada. Ganacsadaha tafaariiqda wuxuu soo iibsanayaa tiro ku habboon baahida suuqa oo wuxuu u iibinayaa macaamiisha, halkaas oo ganacsadaha tafaariiqda uu noqdo isku xiraha u dhexeeya ganacsatada jumlada iyo macaamiisha.
- Ganacsiga dibadda
ganacsiga dibadda waxaa loo yaqaanaa howlaha ganacsiga ee ka dhex dhaca laba dal oo kala duwan, waxaana loo kala qeybiyaa ganacsiga dibadda saddex nooc, kuwaas oo kala ah:
1. Ganacsiga Dhoofinta: Ganacsigan wuxuu tilmaamayaa howlaha lagu iibinayo badeecada gudaha dalka laga keenay oo loo iibgeynayo dal kale.
2. Ganacsiga Soo Dejinta: Ganacsigan wuxuu tilmaamayaa howlaha ganacsi ee lagu soo iibsanayo badeecada dal kale laguna keenayo gudaha dalka.
3. Ganacsiga Gudbinta (Transit Trade): Ganacsigan wuxuu tilmaamayaa howlaha ganacsi ee lagu beddelanayo badeecada oo ganacsade dhexdhexaad ah ka soo qaado dalka asalka ah kuna wareejiyo dal kale si loo farsameeyo, kadibna loo gudbiyo dalka soo dejinaya.
wuxuu tilmaamayaa howlaha ganacsiga ee lagu qabto internet-ka iyada oo la isdhaafsanaayo badeecado iib iyo iibsiba, waana nooc digital ah oo dukaamaysi ah, taas oo bixisa dhammaan baahiyaha macaamiisha, sida: buugaagta, boos qabsashad duulimaadyada, iyo adeegyo maaliyadeed oo kala duwan. Ganacsiga elektarooniga ah wuxuu leeyahay faa’iidooyin sida fududeynta dukaamaysiga macaamiisha; taas oo suurtogal ka dhigaysa in la dukaameysto wakhti kasta, sidoo kale waxay balaadhisaa goobaha dukaamaysiga internetka si ay u koobaan dukaanada iyo badeecadaha kala duwan oo badan.
Mid ka mid ah arrimaha aan la jeclayn ee ganacsiga elektarooniga ah waa in aysan jirin adeeg macaamiil oo ku filan oo ka caawisa macaamiisha inay helaan dhammaan faa’iidooyinka badeecada. Sidoo kale, waxaa jira arrimo aan macaamiisha jeclayn sida sugitaanka badeecada inta la keenayo iyo awood la’aanta in la eego badeecada ka hor inta aan la iibsan, taas oo keeni karta in badeecadu u soo gaadho macaamiisha si ka duwan sidii ay filayeen.
Ganacsiga elektarooniga ah wuxuu u kala baxaa dhowr nooc.
- Noocyada Ganacsiga Elektarooniga ah
1. Shirkad ilaa Ganacsade (B2B): Noocan ganacsiga elektarooniga ah waxaa lagu iibinayaa badeecada bogga internetka ee shirkadda ilaa qof dhexdhexaadiye ah, kaas oo inta badan ah mid ka mid ah ganacsatada jumlada, kadibna uu ka iibinayo macaamiisha.
2. Shirkad ilaa Macmiil (B2C): Noocan ganacsiga elektarooniga ah wuxuu noqonayaa mid toos ah oo u dhexeeya shirkadda iyada oo la adeegsanayo boggeeda internetka iyo macaamiisha iyada oo aanay jirin qof dhexdhexaadiye ah. Macmiilku wuxuu booqanayaa bogga internetka, dooranayaa badeecada, ugana dalbanayaa toos bogga shirkadda.
3. Macmiil ilaa Macmiil (C2C): Noocan ganacsiga elektarooniga ah wuxuu noqonayaa mid u dhexeeya macaamiisha, iyada oo la isdhaafsanaayo badeecado iyada oo macmiilku soo dhajiyo macluumaadka badeecada bog internetka waxaana ka iibsanaya macmiil kale.
4. Macmiil ilaa Shirkad (C2B): Noocan ganacsiga elektarooniga ah, macmiilku wuxuu bixiyaa adeegyada shirkadaha isagoo lacag ka qaadanaya iyadoo ku xiran hadba nooca adeega.
5. Shirkad ilaa Dawlad (B2G): Noocan ganacsiga elektarooniga ah wuxuu noqonayaa mid u dhexeeya shirkadaha iyo dawladda, halkaas oo ay isdhaafsadaan macluumaad iyada oo loo marayo bogagga internetka ee dawladdu ansixisay, kuwaas oo shirkadaha u suurtogeliya inay u soo gudbiyaan codsiyo dawladda.
6. Dawlad ilaa Shirkad (G2B): Noocan ganacsiga elektarooniga ah wuxuu noqonayaa mid u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada, bogagga internetka ee dawladdu ansixisay waxaa loogu talagalay iib geynta, hindisada, iyo gudbinta codsiyada shaqada.
7. Dawlad ilaa Muwaadin (G2C): Noocan ganacsiga elektarooniga ah wuxuu noqonayaa mid u dhexeeya dawladda iyo muwaadiniinta; ujeedadu waa in la badbaadiyo wakhtiga muwaadiniinta si ay u helaan adeegyada dawladda iyada oo loo marayo bogagga internetka ee dawladda.
- Muhiimadda Ganacsiga
Ganacsigu wuxuu u leeyahay muhiimad weyn bulshooyinka kala duwan, waxaana ka mid ah faa’iidooyinka ganacsiga:
- buuxinta Baahiyaha: Ganacsigu wuxuu daboolaa baahiyaha aasaasiga ah ee dadka, isagoo badeecadaha ka keenaya meel kasta oo adduunka ah.
- Kor u Qaadida Nolosha: Ganacsigu wuxuu ka caawiyaa in la hagaajiyo heerka nolosha, isagoo bixiya alaab kala duwan oo lagu heli karo waqtiga, meesha, iyo qiimaha ku habboon qofka.
- Xiriirka ganacsatada iyo warshadaha: Ganacsigu wuxuu isku xiraa macaamiisha iyo soo saareyaasha, iyadoo macaamiishu ay ogaanayaan alaabada cusub iyadoo la marayo xayaysiinta, iyo soo saareyaashu ay helaan falcelin macaamiisha.
- Hoos u Dhigista Shaqo La’aanta: Horumarka ganacsigu wuxuu keenayaa koror shirkado badan oo u baahan shaqaale, taasoo kordhisa fursadaha shaqo.
- Kordhinta Dakhliga Qaranka: Ganacsigu wuxuu gacan ka geysanayaa kordhinta dakhliga qaranka, taasoo ka dhigaysa dalka mid hodan ah.
- Kordhinta Waxsoosaarka: Ganacsigu wuxuu taageeraa waxsoosaarka iyo horumarinta warshadaha.
- Horumarinta Dalka: Ganacsigu wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa horumarinta iyo koritaanka dalalka.
- dhibaatooyinka Ganacsiga
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo uu leeyahay ganacsigu, gaar ahaan ganacsiga caalamiga ah, waxaana ka mid ah:
1. Saameynta Siyaasadda: Ganacsiga caalamiga ah wuxuu saameeyaa xaaladaha siyaasadeed, gaar ahaan haddii ganacsigu uu la xiriirayo astaamaha ganacsiga ama hawlaha ganacsi ee ku hoos jira heshiisyada sida Heshiiska Saamiga ee Trans-Pacific (TPP), halkaas oo go’aannada dowladda ay si joogto ah isu beddelayaan sababo la xiriira isbeddelka ganacsiga.
2. Isbeddelada Sicirka Lacagaha: Ganacsiga caalamiga ah wuxuu la kulmaa isbeddelo ku yimaada sicirka lacagaha sababo la xiriira sicir bararka ku dhaca dowladaha, taasoo keenta in ay adkaato in la saadaaliyo dakhliga suuqyada, sidaas darteedna ay adkaanayso in la sameeyo miisaaniyad sax ah, taasoo mararka qaar keeni karta khasaarooyin waaweyn oo aan lagsoo kaban karin ah.
3. Dhaqamada kala gedisan: caadooyin iyo dhaqammo kala duwan ayaa ka jira dalalka caalamka, taasoo saameyn xun ku yeelan karta ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan haddii ay jiraan isqabqabsi u dhexeeya heerarka dhaqameed iyo astaamaha ganacsiga.
4.deynta: Qaar ka mid ah shirkadaha iyo hay’adaha ganacsiga ayaa ka fogaada bixinta lacagta bilowga ganacsiga caalamiga ah, si ay uga fogaadaan khataraha, taasoo keenta in ganacsiga caalamiga ah uu wajaho khataraha deynta. Deynku wuxuu saameeyaa iibka suuqa ganacsiga, waxaana lagu yareyn karaa khatarahan iyadoo la sameynayo caymis ama la xaqiijiyo astaanta ganacsiga. Ganacsiga caalamiga ah sidoo kale wuxuu wajahayaa khatar joogto ah oo ah in la xado macluumaadka iyo fikradaha suuqgeynta ee astaanta ganacsi gaar ah oo ay sameeyaan astaamo kale.
- Hawlgallada la Xiriira Ganacsiga
Hawlgallada ganacsi waxaa ka mid ah:
1. Dhoofinta iyo Soo Dejinta: Hababka lagu iibiyo alaabta loogana soo qaato suuqyada caalamiga ah.
2. Qaybinta alaabta suuqyada kala duwan si loo gaarsiiyo macaamiisha.
3.: Xayeysiinta iyo kor u qaadista alaabta si loo soo jiito macaamiisha.
4. gorgortanka: Kulamada iyo heshiisyada lagu gaarayo qiimaha iyo shuruudaha ganacsiga.
5. adeegga macaamiisha: Taageerada macaamiisha si loo xalliyo dhibaatooyinka iyo ka jawaabista su’aalahooda.
6.horumarin: Horumarinta alaabta iyo adeegyada cusub si loo buuxiyo baahiyaha suuqa.
7. bakhaarada kaydka: Maareynta alaabta kaydka si loo hubiyo in alaabtu ay diyaar tahay xilli kasta oo loo baahdo.
8. Qiimaynta suuqa iyo macaamiisha si loo fahmo baahiyaha iyo fursadaha.
Hawlgalladani waxay muhiim u yihiin guusha ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
- Ururada Ganacsiga Caalamiga ah ee Caanka ah
1. Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO): Ujeedkiisu waa in uu nidaamiyo ganacsiga caalamiga ah oo kor u qaado isdhaafsiga ganacsi ee u dhexeeya dalalka.
2. Midowga Yurub (EU): Ujeedkiisu waa in la gaaro isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Yurub iyo in la fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
3. Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (OECD): Waxay dhiirrigelisaa siyaasadaha kor u qaada hodonimada dadka adduunka oo dhan.
4. Bankiga Adduunka (World Bank): Waxay bixisaa maalgelin iyo caawimo farsamo dalalka soo koraya si loo taageero horumarka dhaqaale.
5. Sanduuqa Lacagta Caalamiga ah (IMF): Waxay taageertaa xasilloonida maaliyadeed ee caalamiga ah waxayna bixisaa talo maaliyadeed dalalka.in kastoo ay qayb weyn ka qaadato hurinta iyo iney qoorta u galiso wadamada caalamka daymo aaney iska bixin karin.
6. Kooxda Labaatan (G20): Kulanka dhaqaale ee ka kooban dalalka ugu waaweyn adduunka si ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah.
7. Ururka Ganacsiga Xorta ah ee Waqooyiga Ameerika (NAFTA): Waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Maraykanka, Kanada, iyo Mexico.
8. Ururka Horumarinta iyo Ganacsiga Afrika (AfCFTA): Ujeedkiisu waa in la xoojiyo ganacsiga dalalka Afrika iyada oo la abuurayo suuq wadaag.
Ururadani waxay door muhiim ah ka ciyaaraan fududeynta ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya dalalka.
Soo ururintii : ali mohamuud
xigashooyinka
- https://marketbusinessnews.com/financial-glossary/commerce-definition-meaning ↩︎
- https://www.infoplease.com/encyclopedia/social-science/economy/concepts/commerce ↩︎
- https://traderfeed.blogspot.com/2014/08/the-four-pillars-of-trading-process.html ↩︎
- https://kalyan-city.blogspot.com/2011/03/what-is-trade-meaning-and-nature.html ↩︎