1: qofkii ilaahay si dhab u barta, wuu ka dheeraada waxa naftiisu jeceshahay.
2: cisi iyo sharaf waxaa kuugu filan inaad ilaahay addoon u tahay, faan iyo qabna waxaa kuugu filan in ilaahay yahay rabbigaa.
3: rabbigeen dadka labo qaab buu ula hadlaa kow: iney eegaan waxa uu isagu abuurey, labo: iney ku tadaburaan ayaadaha quraanka, kuwa hore waa ayaado la taaban karo lana arki karo balse kuwa danbe waa ayado la maqlo oo lagu fekero.
4: noocyada ugu waaweyn dulmiga iyo aqoon darrida waxaa ka mid ah: in aad dadka kale ka tuugto weyneyn iyo sharaf, qalbigaaguna uu ka maranyahy weyneynta ilaahay cw. Waa tuuna ilaahay lahaa “مالم لله لا ترجون وقارا”
5:qof walba oo ka jeesada in uu addoon u noqdo ilaahay addeecona jeclaadona, ilaahay wuxuu ku imtixaamaa in uu bini aadamka addoon u noqdo una khidmeeyo iyaga.
6: qofku hadduu waaberiyeysto gabalkuna u dhoco isaga oo aan qalbigiisa ilaahay mooyaane cid kale wax ka sugeyn, ilaahay waxa uu ka fudeydshaa danihiisa murugta haysatana wuu ka feydaa.
7: jaahilku waxa uu u cowdaa bini-aadamka! Taasina waa meesha ugu daran ee qof ku ka gaadhi karo jaahilnimo, waayo hadduu ogaan lahaa sida ilaahay u jecelyahy in la baryo iyo sida bini-aadamku u neceb yihiin in la tuugsado waxaas ma sameeyeen.
8: ilaahay run kula dhaqan: haddii aad run kula dhaqanto waxaad heli tudhidiisa iyo naxariistiisa, waayo tudhista ilaahay waxay kaa ilaalisaa waxa aad ka baqeyso, naxariistiisuna waxey ku siisa inaad raalli ku noqoto waxa uu ku siiyo.
9: qofku wuxuu leeyahay asturnaan u dhexeysa isaga iyo rabbigiis, sidoo kale wuxuu leeyahy Asturnaan u dhaxeysa isaga iyo dadka kale, hadaba qofkii jara asturnaanta rabigiis ilaahayna wuxuu jaraa asturnaanta kala dhexeysa isaga iyo bini-aadamka.
10: layaab maleh in addoonku isu dulleeyo boqorkiisa(ilaahay) oo aanu ka daalin cibaadadiisa, balse waxaa la yaab leh addoon ka cararaya boqorkiisa oo addoon kale addoon u noqonaya.
11: ilaahay wuxu yiri [ففروا إلى آلله] ilaahay u carara. Cararka ilaahay loo ordayaa waa labo nooc: u cararka dadka wanaagsn ay xaggiisa aadayaan iyo ka cararka dadka xumi xaggiisa ka cararyaan.
12: bini-aadamka haddii aad ka cabsato wuu ku murug geliyaa oo waad ka fogaata, balse ilaahay haddii aad ka cabsato waad u dhowataa oo jeclaataa.
13: qofkii ilaahay si dhab u barta wuu u xiisa waa haddii aqoontaasi ay tahay mid aan dhamaad lahayn, xiisaha caarifiintu marnaba ma dhamaado.
14: jihaadku waa afar nooc : la dagaalanka nafta,sheydaanka,hawadaada iyo adduunyada, suurtagalna maaha inaad kuwaan si toos ah uga adkaato adiga oo aan kaga soo adkaan qalbigaaga.
15: qofkii naftiisa barta: iyada ayuu ku mashquulaa oo maba arko ceebaha dadka kale.
16: maxaa ka wanaagsan inaad ceebahaaga ku mashquusho, maxaa se ka xun inaad ceebahaaga illowdo adigoo dadka kale wax ka sheegaya, qofka hore farxad ayuu haystaa kan danbena murug aan dhamaaneyn.
17: ku xidh-xidh cadhadada xadhko adag oo ah dulqaad, waayo haddii ay kaa baxsato waa sida ayga oo kel haduu baxsado wuu dayacmi.
18:dhulku waa meel loogu tala galay in wax lagu beerto: haddii aad iimaan ku bareeto waxaad helin miro macaan, hadiise aad jahli iyo dunuub ku beerato mir walba oo kasoo baxdaa waxay noqon qaraar.
19: ilaahay qof ka uu janada gelinayo hadyadihiisa waxa uu ka soo dhigaa waxyaabaha uu necebyahy, sidoo kale qofkii naarta galaayo hadyadihiisa waxaa laga dhigaa waxa uu jecelyahy iyo shahwaadkiisa.
20: qofkii fahma dhameystirnaanta aakhiro, waxaa la fududaata ka tegista adduunyada.